4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2019
Al-shabaab iyo Ciidamada Jubbaland oo dagaalamay

 

Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)– Wararka ka imanaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in halkaa dagaal khasaare geystay uu ku dhaxmaray galinkii danbe ee shalay ciidamo ka tirsan maamul gobolleedka Jubbbaland iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa gaar ahaan ka dhacay deegaan xiga dhinaca xudduuda Kenya, waxaana wararku sheegayaan in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee iska horimaadu dhaxmaray.

Xoogagga Al-shabaab ayaa sheegtay in waqti kooban la wareegeen deegaannada lagu dagaalamay, islamarkaana dileen askar ka tirsan ciidamada Jubbaland.

Lama soo sheegin khasaare soo gaaray shacabkii daganaa degaanka lagu dagaalamay.

Dagaalka shalay galinkii danbe dhacay ayaa imanaya xili isgaarsiinta deegaannadaas ay hawada ka maqan tahay kaddib markii diyaarado laga leeyahay dalka Kenya la sheegay in ay burburiyeen xarumo Isgaarsiinneed oo shirkadda Hormuud ku laheyd deegaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]