4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2019
Ganacsade xalay lagu dilay degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir

 

Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)– Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dishay mid ka mid ah ganacsatada ku dhaqan degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho sida ay warbaahinta u sheegeen ehelada marxuumka la dilay.

Koox bastoolado ku hubeysan ayaa toogasho ku dilay ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cismaan Xassan oo xiligaa ku sugnaa xaafadda Suuq Boocle.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa tagay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo bilaabay baariitaanno la xiriira dilka, hasse ahaatee uma aysan suurtagalin ay qabtaan dadkii toogashada geystay.

Falalka Amni darada ah ayaa aad usoo kordhayey Muqdisho maalmahan dambe, waxaana ay dowladdu sheegay in ay waddo qorshayaal amniga lagu sugayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]