4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2019
Dagaal culus oo ciidamada dowladda AMISOM iyo Al-shabaab ku dhaxmaray Shabeellaha Hoose

 

Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)– Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM iyo Al-shabaab ku dhaxmaray Buula-Mareer.

Dagaaalka ayaa qarxay kaddib markii Al-Shabaab xalay weerareen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo saacado ah qaatay.

Goobjoogayaal ku sugan Buula-Mareer ayaa warbaahinta u sheegay in xalay oo dhan maqlayeen hubka kala duwan oo ay isweydaarsanayeen labada dhinac, ilaa iyo haddana la oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo ahaa mid xoogan.

Wararka ugu danbeeyay ee ka imanaya deegaanka ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, hayeeshee ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan goobihii lagu dagaalamay ee deegaanka Buulo Mareer.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]