4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2019
Xildhibaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida oo labo ruux ku dilay gobolka Jarati

 

Khamiis, Maarso,  28, 2019 (HOL)–Guddoomiyaha Gobolka Jarati ee dowlad deegaanka Soomaalida Saafi Diiriye Shaafi ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay toogasho xildhibaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida oo lagu magacaabo Bashiir Diiriye Camey uu ku dilay Labo ruux oo Shacab ah maalintii shalay

Guddoomiyaha ayaa sheegay in toogashadan uu geystay xildhibaanka ay la xiriirtay muran muddo dheerba soo jiitamayay oo salka haya lahaasha dhul-beereed ku yaala degmada oo xildhibaanku ay siisay xukuumaddii uu hoggaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar.

‘’Doodda xildhibaanka iyo dadka shacabka ah ee beerta isku hayay muddo dheerba wey soo soctay, waxaan u sheegnay in ay sharciga ku kala baxaan, laakiin ugu danbeyntii falkan ayaa dhacay oo xildhibaanku uu ku toogtay labada ruux,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Jarati.

Wuxuu intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen xildhibaanka iyo qof kale oo la socday oo sida uu hadalka u dhigay watay gaari nooca Bajaajka ah.

‘’Inkastoo xildhibaanku uu xasaannad leeyahay haddana haddii faldanbiyeed lagu qabto waa la xirayaa, sidaa daraadeed waan qabanay gacanta laamaha Amniga ku jiraa’’ ayuu yiri guddoomiye Saafi.

Xukuumaddii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu eedeynayaa in dhul ay Shacabku leeyihiin siisay xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkiisa, kuwaa hadda doonaya in dib dhulkoodii ay u helaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]