4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Madaxweynaha Puntland oo socdaalkii ugu horreyay ku gaaray Qardho

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Qardho,iyagoo ka hor ku hakaday deegaannada u dhaxeeya Garoowe iyo Qardho.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo wafdiga uu hoggaaminayo waxaa ku soo dhaweeyay degmada Qardho maamulka degmada, bulshada deegaanka oo ay ugu horreeyaan odayaasha iyo ardayda wax ka barata iskuullada Qardho oo maanta loo fasaxay soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha.

"Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta markii ugu horraysey imaado Qardho, Allena inoo fududeeyo ballantii aan wada-galnay.. waxa aan u rabneyna waxay ahayd oo aan u ballanay inaan nabadgelyada ka wada-shaqayno, xasiloonida inaan ka wada-shaqayno iyo horumarka".

"Waxaan rajaynayaa reer Qardho iyo reer Puntland oo dhan inay u diyaar garoobaan sidii ay u dhisan lahaayeen dalkooda, isku tashadaan, horumarkiisa ka shaqeeyaan, cadawga ka xun wadajirkoodana ay u midoobaan dadka reer Puntland" . ayuu ku daray madaxweynaha Puntland oo sidoo kale u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay.

Dhinaca kale,Madaxweyne Deni ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay inay iska dayaan wax kasta oo ka hor imaanaya horumarkooda, una hoggaansanaadaan xogta xaqiiiqada ah ee lagu horumarinayo dalka, isagoo marka u diray dadweynaha Puntland farriin uu ku xaqiijinayo inay u diyaar garoobaan doorasho hal qof iyo hal cod ah.

"Warar badan baa la sheegayaa wax sugan ma aha ee hadda wixii ka danbeeya warka dowladda uun dhegaysta, ololihii doorashada waa dhammaaday sidaas xaqiiqsada, sidaasi darteed hooska tuurka aan micnaha badnayn wakhtiga yuu inaga qaadin, inaan hore u soconaan u baahanahay, waxaad kaloo u diyaar garawdaan doorasho xor ah oo xalaal ah oo qof walba uu ka qaybgelaayo" ayuu yiri.

Socdaalkan ayaa noqonaya midkii ugu horreyay ee madaxweynaha uu ku marayo gobollada Puntland tan iyo markii xilkaa loo doortay siddeedii bishii Jannaayo,iyadoo la filayo inuu madaxweynaha berri u socdaalo magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]