3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Ciidamada Kenya oo burburiyay xarunta Shirkadda Hormuud ee deegaanka Jaldeys

 

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegyaa in ciidamada Kenya ay xalay burburiyeen xaruntii Shirkadda Hormuud Telecom ee Tuulada Jaldeys oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ma jiro waxa khasaare nafeed ah oo ka dhashay burburintan oo loo adeegsaday miinooyin, waxaase burburay dhismihii shirkadda & dhammaan agabkii isgaarsiineed ee ay ku shaqeyneysay xaruntu oo ka koobnaa Dhismo, ​BTS, Links, Motors iyo agabkii kale ee site-ka yiilay. Waxaa sidoo kale waxyeelo xoogan soo gaartay Taawarrada labada ah ee halkaa kadhisnaa iyo Taawarrada Shirkado kale.

Waxaana hadda hawada ka maqan isgaarsiintii Dhoobley, Jaldeys, Diif iyo 7 Site oo ka tirsan magaalada Dhoobley & Tuulooyinka hoos yimaada.

Ciidanka Kenya waxay Sal dhigga ugu weyn Gobollada Jubbooyinka ku leeyihiin Tuulada Taabta oo ka tirsan isla Degmada Afmadow, una dhow Xarunta la gubey ee shirkadda Hormuud.

Arbacadii lasoo dhaaafay oo ku beegan March 20, 2019 ayaa ciidanka kenya oo isticmaalaya Helicopters Gunship waxay duqeeyeen xarunta Shirkadda Hormuud ee Xiiso-Uguur oo ka tirsan Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo, taasoo ka dhigan in muddoo usbuuc ah ay ciidan ka kenya ay fuliyeen duqeyntii 2aad.

Ujeeddada ay ciidanka kenya ka leeyihiin burburinta xarumaha isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in ay tahay in ay isgaarsiin la’aan dhigaan dhammaan magaalooyinka waaweyn ee xudduudda u dhow sida Dhoobley, Beledxaawo & Ceelwaaq iyagoo bilaabay ciidamada Kenya inay ka baxaan saldhigyo ay ku lahaayeen deegaano ka mid ah Jubbaland.

Ciidanka Kenya ayaa horay u burburiyey xarumo ay leedahay shirkadda hormuud oo kala ah: CaliBuley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo kawada tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
3/27/2019 12:40 PM EST
Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Qardho,iyagoo ka hor ku hakaday deegaannada u dhaxeeya Garoowe iyo Qardho.

3/27/2019 12:19 PM EST
Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)–Qarax khasaare dhimasho sababay ayaa goor dhaw ka dhacay degmada Warta Nabada [Ex Wardhiigley ] ee magaalada Muqdisho.

3/27/2019 12:11 PM EST
Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)- Dhismaha waddada bartamaha ee degmada Bursaalax ayaa si rasmi ah u billaabatay,iyadoo jidka loo diyaarinayo in la saaro laami.

3/27/2019 11:37 AM EST
Waxaa Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota lagu qabtay xafladd aad u balaaran oo lagu qabtay hotel DoubleTree Hilton taas oo loo qabtay 19 Arday oo ku dhalatay kuna barbaartay gobolkaan oo dhameeyey barashada afar qiraa’ad ka quraanka laga aqriyo ka mida.

3/27/2019 8:03 AM EST
Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigga shanaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

3/27/2019 7:50 AM EST
Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)- Inta la xaqiijinayo ilaa 13 ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii gaari nooca xamuulka qaadah inta u dhaxeysa Magalada Nairobi iyo deegaanka Matuu ee kowntiga Machakos.

3/27/2019 7:08 AM EST
Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)- Wasiirka arrimaha gudaha,federaalka iyo dimuqaradiyeynta Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad wuxuu sheegay illaa saddex degmo inay ku qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah,qorshaha oo tijaabo u ah sidii ay Puntland ugu dhici lahayd shacabka inay soo doortaan madaxweynaha marka la gaaro sannadka 2023.

3/27/2019 7:02 AM EST
Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)- Roobabkan oo saacadihii aan soo dhaafnay siyaabo kala duwan uga curtay dhulka oomanaha ah ee koonfurta iyo galbeedka gobolka Sool oo xaalad biyo la'aan ahi ka taagnayd.

3/27/2019 6:08 AM EST
Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)- Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa ku xukuntay min siddeed sano oo xabsi ah rag lagu soo eedeeyay inay si burcadnimo ah ugu dhici jireen dadka rayidka ah iyagoo xiran dareeska ciidamada.

3/27/2019 2:12 AM EST
Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa socdaalkii ugu horreyay ku tagaya deegaanno ka tirsan Karkaar iyo Bari,iyadoo booqashada ay noqonayso middii ugu horreysay ee madaxweynaha uu uga baxayo magaalada xarunta ah ee Garoowe.

3/27/2019 1:46 AM EST
Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa shaacisay in gabi ahaanba la xirayo xerada Qaxootiga Dhadhaab, halkaa oo hoy u ah in ka badan 230,000 oo qaxooti ah.

3/27/2019 1:29 AM EST
Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)-Saacadihii ugu danbeeyay waxaa lagu soo waramayaa in qeybo ka mid gobollada dalka Soomaaliya ay da’een roobabkii xiliga Gu’ga.

3/27/2019 1:21 AM EST
Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL) - Inta la xaqiijinayo 7 qof oo ay afar ka mid ahi carruur yihiin ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, kaddib marki uu gantaal ku habsaday isbitaal ay taageerto hey’adda Save the Children dhinaca oo ku yaalla waqooyigalbeed ee dalka Yemen.

3/27/2019 1:07 AM EST
Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL) – Waxaa saakay xiran wadooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho oo aan la ogoleyn in ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.

3/27/2019 12:57 AM EST
Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL) –Kaddib weerar qorshaysan oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la sheegay in lagu soo qabtay sarkaal sare Al-Shabaab.

3/27/2019 12:49 AM EST
Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL) - Madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, wakiillo ka kala socda Baarlamaanka dowlad gobolleedyada dalka iyo marti-sharaf kale ayaa lagu wadaa in ay maanta ka qeybgalaan munaasabada furitaanka Kalfdhiggii 5aad ee Golaha Shacabka oo lagu qabanayo Dugsiga tababarka Jen Kaahiye.