4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Qarax khasaare dhimasho sababay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL) – Qarax khasaare dhimasho sababay ayaa goor dhaw ka dhacay degmada Warta Nabada [Ex Wardhiigley ] ee magaalada Muqdisho.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya nooca qaraxan uu ahaa hasse ahaatee goobta uu ka dhacay ayaa la sheegay in ay ku dhawdahay maqaaxi lagu magacaabo Al-Nasir oo ku taala xaafada Labo Dhagax.

Dhimashada hal ruux ayaa la sheegay in uu sababay qaraxan

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa mid gaari lagu soo xiray halka warar kalana ay sheegayaan in uu ahaa mid goobta la soo dhigay oo lala eegtay gaadiid meesha marayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]