4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Shil gaari oo ay ku dhinteen 13 ruux oo ka dhacay waddada isku xirta Mandhera iyo Nairobi

 

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)- Inta la xaqiijinayo ilaa 13 ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii gaari nooca xamuulka qaadah inta u dhaxeysa Magalada Nairobi iyo deegaanka Matuu ee kowntiga Machakos.

Gaariga oo ka anbabaxay magaalada Mandhera kuna sii jeeday magaalada Nairobi ayaa dadka ku dhintay la sheegay in ay ka ka koobnaayeen 10 rag ah, labo haween ah iyo ilmo, sida laga soo xigtay madaxa booliiska deegaanka Joseph Karanja.

Dad badan oo ka mid ahaa rakaabka Gaariga ayaa ku dhaawacmay shilka,kuwaas oo loo qaaday isbitaalka Matuu Level Four Hospital.

Waxaa la sheegay in gaariga shilkan ka gallay ay leedahay Shirkad lagu Magacaabo Madina Sacco, taa oo ka shaqeysa wadada u dhaxeysa Nairobi iyo magaalada xuduudka ku taal ee Mandhera.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]