4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Buuhoodle : Roobab ka curtay deegaanno biyo la'aan ay ka taagneyd

 

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)- Roobabkan oo saacadihii aan soo dhaafnay siyaabo kala duwan uga curtay dhulka oomanaha ah ee koonfurta iyo galbeedka gobolka Sool oo xaalad biyo la'aan ahi ka taagnayd.

Deegaannada Qorilay oo dhaca K/bari degmada Laascaanood ayaa dhibicdii u horaysay ka daroortay gabal gaabkii shalay, halka degaano ku dhowdhowna ay hoglo ka da'een.

"Mar keliya ayay waxwaliba is bedeleen, kulayl ayaan joogi waayey banaanka ayaan u baxay waxaana arkay daruur maja-haadlaysey oo nagu soo beegan qaylaan aflabadii yeedhay baahida jirtey darteed" sidaa waxaa yidhi Maxmuud Cali oo ku sugan Qoriley.

Sidoo kale roobabku waxay ka curteen magaalad Buuhoodle iyo degaano hoos yimaada, kuwaas oo lagu sheegay kuwo lagu doogsadey.

Si kastaba ha ahaatee roobabkan curtay ayaa naruuro u ah dad iyo duunyo la daalaadhacayey abaar inkasta oo degaanadii labada sano roob la'aantu ka jirtey aysan weli dhibic ku tiixin hadana curashadiisa ayaa naruuro u ah.

Seynab Cabdi Warsame
seynab@hiiraan
Laascaanood G. Sool