4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo ku xukuntay xabsi dhalinyaro Burcadnimo ku eedeysan

 

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)- Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa ku xukuntay min siddeed sano oo xabsi ah rag lagu soo eedeeyay inay si burcadnimo ah ugu dhici jireen dadka rayidka ah iyagoo xiran dareeska ciidamada.

Raggan xukunka lagu riday ayaa la sheegay in ay isticmaalayeen farsamooyin ay isugu ekeysiinayaan in ay yihiin ciidamo dowladdu u wakiilatay canshuur qaadis, waxa ayna inta badan ka howlgali jireen wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in min 8-sano oo xabsi ah lagu riday ragan burcada ah ee Maxkamada la horgeeyay.

Burcada Xukunka xabsiga ah lagu riday ayaa kala ah 1- s/le X Maxamed Cali Cabdi Cali Cibaar 2- S/a/le Maxamed Cismaan Camaleey 3- Cabdifitaax Cali Cabdullaahi 4- Axmed Cabdi Rooble 5-Maxamed Cumar Diini.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]