4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Madaxweynaha Puntland oo socdaal ku tagaya gobollada bariga

 

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa socdaalkii ugu horreyay ku tagaya deegaanno ka tirsan Karkaar iyo Bari,iyadoo booqashada ay noqonayso middii ugu horreysay ee madaxweynaha uu uga baxayo magaalada xarunta ah ee Garoowe.

Madaxweynaha Deni, oo ay waheliyaan labada gole ee xukuumadda iyo Baarlamaanka xubno ka tirsan ayaa lagu wadaa inay gaaran magaalada Qardho ,ka hor waxay ku hakan doonan deegaannada laamiga ku yaalla, sida ay saraakiisha u sheegeen HOL.

Olole loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa ka socota magaalada Qardho, halkaa oo ay ku suganyihiin wafdi wasiirro iyo xildhibaanno isugu jira oo horudhac ah u ah wafdiga madaxweynaha.

“Socdaalkan wuxuu madaxweynaha ugu kurgalaya xaaladda deegaannada,isagoo Qardha kula kulmaya qaybaha bulshada iyo maamulka.” ayuu yiri sarkaal ka tirsan wafdiga madaxweynaha oo la hadlay HOL.

Booqashada madaxweynaha Puntland, Siciid Deni uu ku tagayo magaalada Qardho oo lagu sheegay mid kooban ayaa marka uu soo gabagabeeyo, wuxuu u gudbi doona magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso oo socdaalkiisa uu ku wajahanyahay.

Wuxuu ku aaddaya socdaalka madaxweynaha Puntland xilli hay’adaha ammaanka ay la tacaalayaan xaaladda amniga ee magaalada Boosaaso, halkaa oo ay weerarro ka dhaceen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online