4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Roobabkii Gu'ga oo ka curtay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya

 

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL) - Saacadihii ugu danbeeyay waxaa lagu soo waramayaa in qeybo ka mid gobollada dalka Soomaaliya ay da’een roobabkii xiliga Gu’ga.

Gobollada ay Roobabkani ka curteen ayaa waxaa ka mid ah Bay, Sh/hoose, Sh/dhexe, Mudug iyo qeybo ka mid ah Galgaduud sida ay warbaahinta u sheegeen dadka ku dhaqan deegaannadan.

Degaano kale oo ka mid ah Somaliland iyo dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa iyana la soo sheegayaa iney roobab wanaagsan ka da’een.

Roobabkan oo bilow ah siweynna dadku sugayeen ayaa ku soo beegmaya iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay abaaro ka jireen qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]