Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL) - Inta
la xaqiijinayo 7 qof oo ay afar ka mid ahi carruur yihiin ayaa la xaqiijiyay in
ay dhinteen, kaddib marki uu gantaal ku habsaday isbitaal ay taageerto hey’adda
Save the Children dhinaca oo ku yaalla waqooyigalbeed ee dalka Yemen.
Save the Children, waxay sheegtay in madfaca ku dhacay isbitaalka Kita see
magaalada sacda ay ku dhaawacmeen sideed kale oo isugu jiray bukaannada iyo
howlwadeennada isbitaalka.
Madaxa hey’adda Save the Children, Carolyn Miles ayaa cambaareysay madfaca
lagu dhiftay isbitaalka, waxay ku tilmaantay weerarkaasi mid jibinaya qaanuunka
caalamiga ah.
Wali ma kala cadda cidda soo gantay madfacaasi, balse isbaheysiga uu
hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jira jabhadda Xuutiga, ayaa horay u
duqeeyay isbitaalo, iskuullo iyo xaafado ay daganyihiin dad rayid ah.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]