4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Qaar ka mid ah Jidadka Muqdisho oo la xiray

 

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL) – Waxaa saakay xiran wadooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho oo aan la ogoleyn in ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.

Jidadka xiran waxaa ka mid ah wadada Wadnaha iyo dhamaan wadooyin ka ku teedsan Xarunta Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho,halkaas oo maanta lagu qabanayo munaasabad lagu furayo kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Ammanka Guud ee Magalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey,waxana la arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo dib u celinaya gaadiidka dhinaca wadada ku teedsan wadnaha kasoo galgudbaya,waxaana dadka badi ay yihiin kuwo lugeynaya.

Magaalada ayaa maalmihii ugu danbeeyayba u muuqata mid amnigeedu sii xumaanayo, gaar ahaan marka la eego qaraxyada iyo weerarrada toos ah oo si joogta ah uga dhaca, iyadoo dhinaca kalana mar walba ciidamadu ku howlan yihiin sugida Amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]