4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Dowladda oo sheegtay in ay howlgal ku qabatay sarkaal ka tirsan Al-shabaab

 

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL) –Kaddib weerar qorshaysan oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la sheegay in lagu soo qabtay sarkaal sare Al-Shabaab.

Howlgalkan oo dhacay  26-kii Bishan  March , ayeey ciidamadu hareereeyeen sida lagu sheegay warbaahinta dowladda goob uu ku sugnaa sarkaalkan la qabtay degmada Janaaale.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay howlgalkana sida ay dowladdu sheegtay lagu soo qabtay sarkaalka oo aan magaciisa la shaacin.

Al-shabaab dhankooda weli wax war ah kama soo saarin sarkaalka la sheegay in uu ka tirsanaa oo ay diidamada dowladda qabteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]