4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2019
Kalfdhiggii 5aad ee Golaha Shacabka oo maanta furmaya

 

Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL) - Madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, wakiillo ka kala socda Baarlamaanka dowlad gobolleedyada dalka iyo marti-sharaf kale ayaa lagu wadaa in ay maanta ka qeybgalaan munaasabada furitaanka Kalfdhiggii 5aad ee Golaha Shacabka oo lagu qabanayo Dugsiga tababarka Jen Kaahiye.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu war-galiyay in uu maanta furmayo Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Wadooyinka ku teedsan Xarunta Janeraal Kaahiye ayaa sidoo kale waxaa la dhigay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaas oo amniga xaqiijinaya, waxaana la filayaa in Madaxda ka qeyb galeysa ay khudbado ka jeediyaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xilligaan waxaa horyaalla Ajendayaal dhowr ah oo u baahan inay ka doodaan, kadibna ay ansixiyaan ama ay diidaan, waxaana inta badan dalka kusoo laabtay Xildhibaano safar ugu maqnaa dalka dibadiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]