4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2019
Dowladda Soomaaliya oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan Buuraha Golan Heights

 

Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka Buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa'iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go'aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxaa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go'aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go'aankii Israa'iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go'aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa'iil ee buurralayda Golan uu yahay go'aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida.

Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go'aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]