4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2019
Shil gaari oo maanta ka dhacay meel aad ugu dhaw magaalada Diridhabe

 

Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Shil gaadhi ayaa maanta waxaa uu ka dhacay meel u dhaw magaalada Diridhabe oo lagu magacaabo Dhangago. gaadhiga shilka galay oo ahaa minibaas ayaa ku dhacay gaadhi kale oo ahaa nooca raashinka iyo alaabada waawayn lagu qaado.

Haddaba gaadhiga minibaaska ee shilka galay ayaa siday dumar jaadley ah, waxayna wararku sheegayaan in 9 kamid ah dumarkaas ay geeriyoodeen.

Shilalka noocan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca inta u dhaxaysa Diridhabe iyo Harar, waxaana jira halka uu hadda shilku ka dhacay iyo jidka meermeeratada ah ee dhangago inuu ka dhaco shilalka u badan oo ay sabab u tahay jidka oo aad cidhiidhi u ah god wayna dhinac ka saaran.

Gaadhiga wayn ayaa isna darawalkii oo Soomaali ahaa naanaystiisuna ahayd Afwayne uu isna geeriyooday. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]