4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2019
Beesha Caalamka oo taageertay dib-u-habeynta ciidamadda

 

Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Qaramada Mudoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Ingiriiska, iyo Mareykanka ayaa soo dhoweeyay hal-abuurka ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ee dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo ammaanka.

Waxaan dhiirri gelineynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku fineyso dib-u-habeynta hay’adaha Ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa inaan howshaan ku taageeri doonno.

Waxaan wadahadallo dheeri ah ku falanqeyn doonnaa kulamada arrimaha Soomaliya ee  shirka gu’aga ee World Bank-International Monetary Fund oo bisha April ka dhici doona Washington. Waxaan sidoo kale waxaan isla eegi doonnaa go’aanno muhiim ah oo ku saabsan sii joogteynta taageerada AMISOM oo mas’uuliyadda amniga ku wareejinaya ciidan ay Soomaaliya leedahay.

Waxaan aaminsannahay fulinta dib-u-habeynnadaa oo la dhameystiraa ay gacan ka geysaneyso xasilooni iyo barwaaqo ay dadka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolkaba helaan. Bahwadaagta Soomaalida waxaan ku dhiirri gelineynaa in ay taageeraan oo ay si wadajir ah dadaal ugu bixiyaan si loo caawiyo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed si ay u xaqiijiyaan dib-u-habeynnadaan iyadoo loo marayo wadahadal loo dhanyahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]