4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2019
Waarar dheeraad ah oo ku saabsan qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Qaraxan u muuqda mid gaari lagu soo xiray ayaa goor dhaw ka dhacay Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho waxaa warar hor dhac ah oo soo baxaya sheegayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ah Isgoys mashquul ah oo dad weynuhu gaadiidka ka raacaan gaar ahaan Adeyda dugsiyada iyo Jaamacadaha.

Ilaa hadda dhimashada la xaqiijinayo ayaa ah Nin dhalinyaro ah oo waday gaariga qaraxa lagu soo xiray, halka wax yeelo kalana ay soo gaartay dad la socday gaari HOOMEY ah oo goobta ku sugneyd.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiray agagaarka goobta ay wax dhaceen iyaga oo kor u ridaya rasaas ay ku kala eryayeen dadka isugu soo xoomay halka uu qaraxa ka dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]