4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2019
Wasiirka arrimaha gudaha oo kulan kula leh Dhuusa-Mareeb madaxda Galmudug

 

Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa kulamo halkaa kula qaatay madaxda Galmudug.

Wafdiga Wasiirka iyo madaxda Galmudug ayaa kulamo albaabada u xiran yihiin waxaa ay la qaateen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxa xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Inkastoo aan xog badan laga helin wada hadallada labada dhinac haddana warar hoos oo soo baxay ayaa sheegaya in Wasiirku isku dayayo sidii uu madaxda Galmudug ugu qancin lahaa doorashada madaxdtinimada Galmudug waqtigeeda ku dhacdo.

Waxaa sidoo kale wada hadallada qeyb ka noqonaya xalinta khilaafka dowladda iyo maamulka Galmudug, iyadoo dhowr jeer oo hore labada dhinac warbaahinta isku mariyeen hadallo iska soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]