4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2019
Madaxweyne Farmaajo : Dalka waxaa heysta cadaw shisheeye oo ay u adeegayaan dad Soomaali ah

 

Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeedinayay saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed ayaa sheegay in dalku uu wajayo labo cadaw oo is biirsaday, kuwaa oo ka shaqeynaya sida uu hadalka u dhigay burburinta dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in cadawga dibadda ay adeegsanayaan dad Soomaali ah oo ujeedada laga leeyahay tahay in marnaba uusan dalkani degin, islamarkaana la helin dowlad awood leh.

“Runtii Soomaaliya waxaa heysta cadaw aad u fara-badan mid dibadeed iyo mid gudaha, midka dibada soomaaliya inay istaagto lama rabo sidaan inaan ku jirno ayaa la rabaa, maxaa yeelay meesha aan ku naalo iyo nimcada aan heysano nalooma ogola, aduunka oo dhan waxa alla wixii kaa awood badan waxa ay rabaan in ay ku maamulaan iyaga ayaa ku dagaalamaya waliba sidii ay kuu maamuli lahaayeen, waxaa shaqada u qabanaya dad Soomaalyeed oo waliba muwaadiniin ah si aan marnaba xasilooni loo helin ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay in arrimahaa oo dhan looga gon-leeyahay in meel leyska dhiggo qabkii iyo damiirkii Soomaalinimada oo wax kasta aad Haa tiraado.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili dowladda federaalka ay waheyso culeysyo dhinacyo badan uga imanaya, gaar ahaan marka laga hadlayo amniga gudaha oo u muuqda mid aan wanaagsaneyn, iyadoo ay kordhayaan weerarrada Al-shabaab ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]