3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2019
Wafdi ka dowladda Soomaaliya oo maanta ku sii jeeda magaalada Dhuusa-Mareeb

 

Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Wafdigan la filayo in ay maanta u anbabaxaan magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

bewsinside Waxaa sidoo kale wafdigan qeyb ka noqonaya xubno ka tirsan labada Aqal ee dowladda oo la filayo in ay halkaa kulamo kula qaataan madaxda ugu sareysa maamul gobolleedka Galmudug.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dib u dhigay safar uu shalay ku tagi lahaa degmada Gaalkacyo sababo la xiriira wafdiga dowladda ee ku wajahan degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wafdigan hor dhac u noqonayaan dadaallo la doonayo in leysugu soo dhaweeyo dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug oo muddo dheerba kala taagnaa.

Maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho oo gaaray madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii Isbaheysiga maamul gobolleedyada ee sida weyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
3/26/2019 12:42 PM EST
Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka Buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa'iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go'aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxaa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go'aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go'aankii Israa'iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah.

3/26/2019 12:16 PM EST
Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya,Jamaal Maxamed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada xarunta ah ee Garoowe ,halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas'uuliyiin ka tirsan Puntland.

3/26/2019 11:50 AM EST
Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Shil gaadhi ayaa maanta waxaa uu ka dhacay meel u dhaw magaalada Diridhabe oo lagu magacaabo Dhangago. gaadhiga shilka galay oo ahaa minibaas ayaa ku dhacay gaadhi kale oo ahaa nooca raashinka iyo alaabada waawayn lagu qaado.

3/26/2019 11:35 AM EST
Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Qaramada Mudoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Ingiriiska, iyo Mareykanka ayaa soo dhoweeyay hal-abuurka ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ee dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo ammaanka.

3/26/2019 10:26 AM EST
Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir iimaan ayaa ka hadlay hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha dalladda aan dawliga ahayn ee SONSAF oo soo jeedisay inay guddida doorashooyinku is casilaan.

3/26/2019 7:14 AM EST
Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Qaraxan u muuqda mid gaari lagu soo xiray ayaa goor dhaw ka dhacay Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho waxaa warar hor dhac ah oo soo baxaya sheegayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

3/26/2019 5:45 AM EST
Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa kulamo halkaa kula qaatay madaxda Galmudug.

3/26/2019 1:35 AM EST
Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Ahmed Iman Ali oo ah muwaadin u dhashay dalka Kenya laakiin ka mid ahaa hoggaamiyayaasha sar sare ee Al-shabaab ayaa la tuhusan yahay in uu ka mid noqday xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada dhexe.

3/26/2019 12:59 AM EST
Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)-Ra'iisul wasaaraha Giriigga ayaa sheegay in isaga oo diyaaraddiisa saaran oo u dabaal dagaya maalinta xoriyadda uu "carqaladayn kala kulmay" diyaaradaha dagaalka ee Turkiga.

3/26/2019 12:55 AM EST
Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Rag bastoolado ku hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qof kale oo rayid ah oo la socday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

3/26/2019 12:39 AM EST
Talaado, Maarso, 26, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeedinayay saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed ayaa sheegay in dalku uu wajayo labo cadaw oo is biirsaday, kuwaa oo ka shaqeynaya sida uu hadalka u dhigay burburinta dalka.