4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2019
Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee ka hortagga Burcad-badeedda oo booqday Boosaaso

Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL) – Wasiirka dekedaha Puntland ,Maxamed Cabdi Cismaan ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ku qaabilay saraakiil ka tirsan  howlgalka Midowga Yurub ee ka hortagga burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya.

Wafdiga Midowga Yurub, waxaa hoggaaminayay ,Admiral Ricardo Hernandez oo ah taliyaha cusub ee howlgalka hortagga burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya,kaas oo horraantii bisha Maarso ee sannadkan 2019ka xilka la wareegay.

Muddada uu socday shir albaabadu u xiranyihiin ee u dhaxeeyay wafdiga midowga Yurub iyo mas'uuliyiinta Puntland, waxaa la arkayay diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah oo dusha sarre ka ilaalinaysay wafdiga.

"Wafdiga ujeedka ay noogu yimaadeen waxaa ugu muhiimsana is barasho,maaddaama hoggaanka howlgalka uu cusubyahay".ayuu yiri Wasiirka dekedaha Puntland ,Maxamed Cabdi Cismaan oo warbaahinta la hadlay markii uu kulanka soo dhammaaday.

Wasiir Maxamed Cabdi , ayaa inta ku daray howlgalka Midowga Yurub inuu Puntland gacan ka siiyo tabbabarada iyo taageerrada ciidanka gaar ahaana kuwa ilaaliya xeebaha.

Admiral Ricardo Hernandez , ayaa noqonaya taliyihii labaad ee ka socda howlgalka Midowga Yurub ee magaalada Boosaaso kula kulma mas'uuliyiinta Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]