4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2019
Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo oo la doortay

Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL) – Saahid Maxamuud Cali ayaa loo doortay duqa degmada Gaalkacyo ahna guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada.

Saahid Maxamud 23 cod ayuu helay, halka musharrixii la tartamayay Cabdiqani Diiriye Dhagaweyne uu helay 7 cod. Hal cod ayaa xumaadday.

31 xildhibaan oo ay ka koobanyihiin golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo ayaa habka codka qarsoodiga ah ku doortay guddoomiyaha cusub oo ah nin dhallinyaro ah.

Doorashada waxaa goobjoog u ahaa wasiirro ka tirsan Puntland oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha, waxaana lagu wadaa in qabto doorashada guddoomiye ku-xigeenka degmada oo ay ku tartamayaan saddex musharrax kuwaas oo kala ah ,Cabdullaahi Maxamed Jakato,Shaafici Cabdullaahi Xaashi,Maxamed Cabdinaasir Cigaal.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]