4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2019
Xaalad laga dayriyey ayaa ka taagan degmada Xuddun we Gobolka Sool

 

Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL) – Kumanaan qoys oo ku dhaqan degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa laga dayrinayaa ka dib abaar laba jir gaadhey oo degaankaas ka taagan.

Biyo la'aan iyo baad la'aan ayaa isugu darsamay taas oo haatan adkaysay nolosha dadka reer guuraaga ah iyo kuwa magaalooyinka ku noolba sida ay dadka Degaanka laga soo werinayo.

"Biyihii way yaraadeen kuwii ceelasha laga helayeyna way adkaadeen taasina waxay sababtay in ay adkaato cabidoodu" sidaa waxaa HOL u sheegay Axmed Cali Faarax oo ah hawl wadeen u shaqeeya hayadda Candlelight oo ku sugan tuulada Laasa-curdan.

Axmed waxa uu sheegay in ay jiraan xanuuno ay ka mid yihiin shuban iyo nafaqo daro baahsan oo sii kordhaysa marba marka ka danbaysa, taasna waxaa sababay abaarta oo haatan meeshii u adkayd maraysa.

Sidoo kale Cabdilaahi Colujoog oo ka mid ah odayaasha degmada Xuddun ayaa sheegay in waqtigii roobku bilaabmi jirey la joogo, waqtiguna uu kulul yahay xoolaha wixii hadhayna ay ku waraabiyaan biyo laga keeno degaano fog.

Si kastaba ha ahaatee xaalada biyaha ayaa maraysa heerkii u qaalisanayd iyadoo foostada biyaha ah lagu iibiyo 150 kun oo shilin.

Seynab  Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool