4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2019
Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho soo gaaray

 


Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirradda xukuumadda Soomaliya oo uu horkacayo Wasiirka arrimaha gudaha iyo xildhibaanno ka kala tirsan labada Aqal ee dowladda.

Socdaalka Axmed Madoobe ayaa la xiriira dhameystirka heshiiska Jubbaland iyo dowladda dhexe, isaga oo dhawaan Kismaayo ka sheegay in uu tago magaalada Muqdisho isaga oo la kulmaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhawaan Kismaayo waxaa tagay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo meel fagaaro ah kala hadlay shacabka ku dhaqan magaalada, isaga oo muujinaya isku soo dhawaashaha siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]