4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2019
Warar kale duwan oo ka soo baxaya qarax dhimasho sababay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL)- Faah faahin dheeraad iyo warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya qarax ku dhacay gaari ay leedahay Jaamacadda SIMAD kaa oo ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay darawalkii guddoomiyaha Jaamcadda oo lagu magacaabi jiray Maxamed Jeylaani Axmed, waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen dad rayid ah ku sugnaa maqaaxi ku tiilay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegay in bartilmaaameedku uusan aheyn gaariga Jaamacadda laakiin qaraxu ahaa mid lagu soo xiray gaari ay leedahay waaxda canshuuraha gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa imanaya xili dhamaan Isgoys-yada magaalada Muqdisho ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo xiray dariiqyada iyo wadooyinka halbowlaha u ah magaalada.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ka soo baxay dhinaca hay’addaha Amniga oo la xiriira qaraxa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]