3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2019
Jidadka Muqdisho oo intooda badan xiran

 

Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL)- Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ku waabariistay saakay inta badan jidadka magaalada Muqdisho oo xiray, waxaana lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dadweynaha  ka celinayaa wadooyinka la xiray.

Waxaa ka mid ah wadooyinka aan loo ogleyn in ay gaadiidka isaga kala gudbaan Isogyska Banaadir, Zoobe iyo jidad kale oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka intaba.

Dadka shacabka ayaa la arkaya iyaga oo Lug ku gaaraya goobahooda shaqo iyo waxbarasho,. Lamana oga ilaa iyo hadda sababta keentay in jidadka la xiray subaxnimadii hore ee saakay.

Magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyayba waxaa ka dhacayay falal amaanka ka dhan ah, gaar ahaan qaraxyo iyo weerarro toos ah oo ay ka geysanayaan xoogagga Al-shabaab oo weerarkoodii ugu danbeeyay ku qaaday dhismayaal ay degan yihiin wasaarraddo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
3/25/2019 12:08 PM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL) – Wasiirka dekedaha Puntland ,Maxamed Cabdi Cismaan ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ku qaabilay saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Yurub ee ka hortagga burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya.

3/25/2019 11:35 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL) – Saahid Maxamuud Cali ayaa loo doortay duqa degmada Gaalkacyo ahna guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada.

3/25/2019 10:13 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL) – Wasiirada Caafimaadka dalalka Soomaaliya iyo Masar Drs. Fowzia Abiikar iyo Drs Hala Zaid ayaa magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar ku kala saxiixday heshiis Baratakool ee iskaashi una dhaxeeya wasaaradaha Caafimaadka ee labadan dal.

3/25/2019 8:09 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL) – Kumanaan qoys oo ku dhaqan degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa laga dayrinayaa ka dib abaar laba jir gaadhey oo degaankaas ka taagan.

3/25/2019 4:47 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho

3/25/2019 2:58 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL)- Faah faahin dheeraad iyo warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya qarax ku dhacay gaari ay leedahay Jaamacadda SIMAD kaa oo ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

3/25/2019 12:11 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL)- Macallin dhiga maaddooyinka Saayniska oo ka soo jeeda dhulka miyiga ee dalka Kenya oo mushaarka uu qaato intiisa badan muddo ku soo caawinayey dadka saboolka ah ayaa ku guuleystay abaalmarin lacageed oo dhan 1 milyan oo doolar (£760,000 oo gini) oo la guddoonsiiyo sanad walba macallinka ugu mudan caalamka.

3/25/2019 12:09 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL)- Koox caalami ah oo gargaarka ka shaqeysa ayaa sheegtay in 58 kiis o cusub oo cudurka ebolaha ah laga helay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo todobaadkii tagay – waana tiraddii ugu badneyd ee muddo todobaad ah la soo wariyo sanadkan.

3/25/2019 12:04 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid wajaheysa culeys uga imanaya dhinaca ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka cabanaya mushaarax la’aan dhowr bilood ah oo soo food saartay.