3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2019
Macallin u dhashay Kenya oo abaalmarin caalami ah ku guuleystay

 

Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL)- Macallin dhiga maaddooyinka Saayniska oo ka soo jeeda dhulka miyiga ee dalka Kenya oo mushaarka uu qaato intiisa badan muddo ku soo caawinayey dadka saboolka ah ayaa ku guuleystay abaalmarin lacageed oo dhan 1 milyan oo doolar (£760,000 oo gini) oo la guddoonsiiyo sanad walba macallinka ugu mudan caalamka.

Macallin Peter Tabichi oo aaminsan madhabta kirishtanka ee katooligga wuxuu ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ee macallimiinta 2019-ka.

Peter waxaa si weyn looga ammaanay isla markaana guusha uu gaaray qayb weyn ku leh fasallo ay ardaydu buux dhaafiyeen iyo buugaagta manhajka oo aan jirin sida uu waxbaridda ardayda ugu soo dulqaatay uguna guuleystay.

Wuxuuna aad u jecel yahay maaddooyinka uu dhiga ee saayniska iney dadku aqoon dheeraad ah u yeeshaan si ay mustaqbalkooda u dhisaan isaga oo aaminsan "Saaynisku inuu yahay waddada loo maro".

Abaalmarinta waxaa lagu iclaamiyey munaasabad lagu qabtay Dubai, waxaana Peter loo aqoonsaday inuu yahay macallin "ka go'naasho leh" oo u taagan inuu wax ka beddelo noolasha dadka saboolka ah ee ku nool deegaanka Rift Valley ee dalka Kenya.

Abaalmarinta lacageed ee la guddoonsiiyeyna 80% wuxuu ku deeqay in wax looga qabto dadka saboolka ah gaar ahaanna dugsiga sare ee Keriko oo ku yaalla tuulada Pwani gobolka Nakuru, lacagtaasina lagu iibiyo dharka ay ardaydu dugsiyada u xidhaan (uniform) iyo buugaagta manaahjita.

Macallinkan 36 jirka ah hammigiisu wuxuu yahay inuu maaddooyinka saayniska gaar ahaanna xisaabta iyo fiisiksi uu bulshada ku dhiirrageliyo isga oo hammigiisa ku koobneen Kenya balse gaarsiisan ilaa heer qaradeed.

Guusha macallin Peter ayaa lagu sheegay iney tahay mid ididiilo wanaagsan ku abuureyso jiilka waxbartay ee dhalinyarada ah ee ku nool dalka Kenya iyo qaaradda Afrika intaba.

Xigasho BBC













Click here
3/25/2019 12:08 PM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL) – Wasiirka dekedaha Puntland ,Maxamed Cabdi Cismaan ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ku qaabilay saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Yurub ee ka hortagga burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya.

3/25/2019 11:35 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL) – Saahid Maxamuud Cali ayaa loo doortay duqa degmada Gaalkacyo ahna guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada.

3/25/2019 10:13 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL) – Wasiirada Caafimaadka dalalka Soomaaliya iyo Masar Drs. Fowzia Abiikar iyo Drs Hala Zaid ayaa magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar ku kala saxiixday heshiis Baratakool ee iskaashi una dhaxeeya wasaaradaha Caafimaadka ee labadan dal.

3/25/2019 8:09 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL) – Kumanaan qoys oo ku dhaqan degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa laga dayrinayaa ka dib abaar laba jir gaadhey oo degaankaas ka taagan.

3/25/2019 4:47 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho

3/25/2019 2:58 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL)- Faah faahin dheeraad iyo warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya qarax ku dhacay gaari ay leedahay Jaamacadda SIMAD kaa oo ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

3/25/2019 12:51 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL)- Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ku waabariistay saakay inta badan jidadka magaalada Muqdisho oo xiray, waxaana lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dadweynaha ka celinayaa wadooyinka la xiray.

3/25/2019 12:09 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL)- Koox caalami ah oo gargaarka ka shaqeysa ayaa sheegtay in 58 kiis o cusub oo cudurka ebolaha ah laga helay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo todobaadkii tagay – waana tiraddii ugu badneyd ee muddo todobaad ah la soo wariyo sanadkan.

3/25/2019 12:04 AM EST
Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid wajaheysa culeys uga imanaya dhinaca ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka cabanaya mushaarax la’aan dhowr bilood ah oo soo food saartay.