4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2019
Ciidamo ku hanjabay in ay isaga soo bixi doonaan Aagagga dagaalka gobolka Shabeellaha Hoose

 

Isniin, Maarso, 25, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid wajaheysa culeys uga imanaya dhinaca ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka cabanaya mushaarax la’aan dhowr bilood ah oo soo food saartay.

Qaar ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku hanjabay in ay isaga soo bixi doonaan Aagagga dagaalka iyo deegaannada ay gobolka uga sugan yihiin haddii aan jawaab degdeg ah laga siin cabashadooda.

“Waxaan joognaa degmada Baraawe shan san iyo afar bilood,waxaana hadda naga maqan mushaar iyo raashin muddo afar bilood ah,qof baahana ma difaaci karo cadowga deyna waa naloo diiday maqaayadaha magaalada.”ayuu yiri mid kamid ah ciidamada xoogga dalka.

Horay waxaa sidan oo kale isla gobolka Shabeellaha Hoose isaga soo baxay deegaannadii ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya waxaana markiiba deegaannadaas la wareegay xoogagga Al-shabaab.

Ciidamadan gadoodka ka sameeyay degmada Baraawe ayaa sheegay in ay qabaan dhibaato ka duwan tan ciidamada kale ee dowladda ka cabanayaan, iyaga oo sheegay in Labo Askari oo isku xuquuq iyo shaqo ah midna uu Mushaar qaado halka kan kalana uusan wax mushaar ah helin muddo dheer.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay u xalin laheyd cabashada ciidamada xoogga dalka Somaaliyeed, iyadoo arintan u saartay guddi heer Wasiirro ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]