Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay Xogta macdanta dalka ku jirta oo ay gacanta ku heysay shirkadda SKA
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay Xogta
macdanta dalka ku jirta oo muhiimad gaar ah u leh Kheyraadka dabiiciga ee
dalka,waxaana baarista xogtan sameeyay quburo kala duwan oo dalka Britain ka
soo jeeda.
Baarista xogta macdanta oo dhowr nuuc kala ah ayaa soo bilaabatay sanadkii
1920-kii,taasi oo soo socotay ilaa iyo sanadkii la soo dhaafay ee 2018kii.
Madaxa Shirkadda SKA ee Xogtan soo iibsatay oo sharaxaad ka bixiyay baarista
ayaa sheegay in dhul badan oo Soomaaliya ka tirsan ay ka jiraan macdan, Saliid ,
Gaas,shidaal,dheyman iyo dahab iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.
“ Tani waaa tallaabo cusub,waxaan u arkeynaa iney Soomaaliya ka jiraan
fursado aad u fiican ee dhinacyada horumarinta kheyraadka macdanta ee
dalka,waxay keeneysaa arrintaan in dalka Soomaaliya uu helo maalgashigii loo
baahnaa,taasi oo fursad u noqoneysa oo shaqo abuur ah u noqoneysa shacabka
Soomaaliyeed,waxayna shacabka noqonayaan kuwo ku noolaado nolol barwaaqo leh,”
ayuu yiri madaxa Shirkadda SKA.
Sidoo kale,waxaa la daah-furay mashruuc shirkadda (SMMG),ku maalgelineyso
Macdanta Soomaaliya.
Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid
Maxamed Axmed ayaa sheegay in Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya Alle siiyay
lagama maar-maan ay tahay in loo helo maalgashi ayna diyaar u yihiin in
shacabka Soomaaliyeed looga faa’ideeyo,wuxuuna ammaanay macluumaadka Dowladda
Federaalka lagu wareejiyay.
“Waxaan ammaaneynaa shirkadda dadaalka ay u gashay iney nagu wareejiso
macluumaadkan qaaliga ah ee wadanka uu leeyahay,waxaana soo dhoweyneynaa cid
kasta oo maalgashaneysa Soomaaliya dhinaca kheyraadkeeda,” ayuu yiri Wasiirka
Batroolka Soomaaliya.
Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo
dhoweeyay daah-furka shirkada cusub ee (SMMG).
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]