4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2019
Dhul Gariir laga dareemay qeybo ka mid dalka Kenya

 

Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)-Warbaahinta Kenya ayaa laga soo xigtay in caawa fiidkii qeybo ka mid ah dalka Kenya laga dareemay dhulgariir, kaddib markii uu qadar yar oo kooban dhulku ruxmay.

Gaar ahaan magaalooyinka dhul gariirka laga dareemay ayaa waxaa ka mid ah Nairobi, Kiambu, Machakos, Mombasa, Nyeri iyo Makueni.

Waaxda saadaasha hawada Kenya ayaa laga soo xigtay in dhul gariirkii caawa 7:22 laga dareemay qeybo ka mid ah Nairobi uu cabiirkiisu dhammaa 4.8 oo ah qiyaasta cabbirka Dhul-gariirka.

Ilaa hadda ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dhul gariirkan, cabsi laga dareemayo guud ahaanba magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]