3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2019
Dhismihii caanka ahaa ee Beyxaani oo lagu wareejiyay sannado badan ka dib qoyskii lahaa

Axad, March 24, 2019 (HOL)-  Maamulka gobolka Banaadir ayaa Qoys Soomaaliyeed ku wareejiyey gurigooda oo in mudda ah gacantooda ka maqnaa, gurigan la wareejiyey ayaa waxa uu yahay guri caan ah loona yaqaano Sarta Beyxaani ee degmada Shibis.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii shacabka hantidooda xoog lagu heysan jiray, isla markaana uu maamulkiisa u dul-qaadan doonin in muwaadin Soomaaliyeed hantidiisa si xoog ah lagu heysto.

"Maamulka Gobalka Banaadir waxuu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda, waxaa naga go’an in caddaalad aan ku shaqayno muddadii aan joognayna waad la socotaan inta shaqsi ee guryahoodii dib u helay, taasoo ina tusinaysa sida aan diyaarka ugu nahay ilaalinta hantida shacabka, maantana waa maalin kale oo noo suuragashay in Qoyska reer Axmed Beexaani ay gurigoodii dib u helaan". ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Sannadihii u dambeeyay ayaa muwaadiniin Soomaaliyeed waxaa dib loogu celiyay dhismayaal iyo hanti kale oo ay ku lahaayeen caasimadda Muqdisho,kuwaas oo shaqsiyaad ay heysteen tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
3/24/2019 11:33 PM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Khadar Jikre iyo Axmed Nur Sh Maxamed saahid oo ahaa Siyaasiyiin degaanka u dhashay ayaa ciidamada amniga ee degaanku xabsiga u taxaabeen.

3/24/2019 3:39 PM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay Xogta macdanta dalka ku jirta oo muhiimad gaar ah u leh Kheyraadka dabiiciga ee dalka,waxaana baarista xogtan sameeyay quburo kala duwan oo dalka Britain ka soo jeeda.

3/24/2019 1:28 PM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)-Warbaahinta Kenya ayaa laga soo xigtay in caawa fiidkii qeybo ka mid ah dalka Kenya laga dareemay dhul –gariir, kaddib markii uu qadar yar oo kooban dhulku ruxmay.

3/24/2019 11:37 AM EST
Axad, March 24, 2019 (HOL)- Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayo Tubta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la xoojinayo isla xisaabtanka dhammaan waaxyaha Maamul ee arrinkan u xilsaaran.

3/24/2019 11:18 AM EST
Axad, March 24, 2019 (HOL)- Wasiirka arrimaha gudaha Puntland,Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shaaciyay liiska golaha cusub ee deegaanka degmada Gaalkacyo,kaddib markii la kala diray golihii hore ee deegaanka.

3/24/2019 9:19 AM EST
Axad, March 24, 2019 (HOL)- Madaxweyne Biixi ayaa maanta khudbad dheer ka jeediyey labadda gole baarlamaan, taas oo ahayd khudbad sanadeedkii dastuuriga ahayd.

3/24/2019 9:04 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka ayaa ka qaybgalay Salaada Janaasada ee Marxuum Xillibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ahaa dadkii ku geeryooday weerar ay al-Shabaab ka geysteen Sabtidii shalay xarunta wasaaradda shaqada.

3/24/2019 6:21 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqsho rasmi ah ku tagay dalka Marooko,iyadoo oo booqashada ay qaadan doonta muddo laba maalmood ah .

3/24/2019 3:12 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)-Wareegto kasoo baxday madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa lagu magacaabay gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland oo ka kooban ilaa todoba xubnood.

3/24/2019 2:16 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)-Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magiciisa afarashadu yahay Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali oo magiciisa afgarashadu yahay Qudaama ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Daacish.

3/24/2019 1:36 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Dowladda Turkiga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarradii Sabtidii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ku dhinteen in ka badan 10 ruux.

3/24/2019 1:11 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Daahir Aadan Cilmi Idhaqarshe oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan amniga looga hadlayay oo ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab.

3/24/2019 12:51 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Kaddib Qaraxyadii maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho tallaabadii ugu horeysay oo ay qaaday dowladda Soomaaliya ayaa noqotay isbadal lagu sameeyay taliyayaasha saldhigyada Booliiska gobolka Banaadir.

3/24/2019 12:22 AM EST
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarradda Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada.