Hiiraan Online
4/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2019
Wasiirka arimaha dibaadda oo ku sugan dalka Marooko
Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqsho rasmi ah ku tagay dalka Marooko,iyadoo oo booqashada ay qaadan doonta muddo laba maalmood ah .
Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya muddada ay joogaan dalka Marooko,waxay wada-hadallo laba geesood ah la yeelan doonaan mas'uuliyiinta kala duwan dalkaasi ka tirsan.
Wasiirka arimaha dibadda ee Marooko Nasser Bourita wuxuu dhankiisa sheegay in labada dal ka wada hadlayaan xoojinta xiriirka laba dal ee soo jireenka ah iyo qaabkii loo sii horumarin lahaa,dhidibadana loogu aasi lahaa iskaashi dhinacyo badan leh oo u adeeggaya danaha labada dal.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]