4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2019
Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Jubbaland


Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)-Wareegto kasoo baxday madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa lagu magacaabay gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland oo ka kooban ilaa todoba xubnood.

Guddigan oo aad loo sugayay ayuu madaxweynuhu ku dhawaaqay xalay, waxaana magacaabista guddiga uu kusoo beegmayaa xilli ay waxyar ka harsanyihiin doorashooyinka madaxtinimo ee Jubbaland.

Ololaha doorashada xubnaha Baarlamanka ayaa mudooyinkii u danbeeyay laga dareemayay Kismaayo, ayadoo sidoo kale ay jiraan musharixiin shaaciyay in ay u taaganyihiin hogaanka Jubbaland oo la filayo in doorashadeeda la qabto bartamaha bisha August ee sanadkan.




Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.