4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2019
Dowladda Turkiga oo cambaareysay Qaraxyadii Muqdisho

 

Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Dowladda Turkiga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarradii Sabtidii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ku dhinteen in ka badan 10 ruux.

War ka soo baxay Wasaarradda arrimaha dibidda ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga si adag u cambaareyneyso weerarrada Qarax-yada loo adeegsaday oo lagu bartilmaameedsaday labo dhismo wasaaraddeed iyo dilka wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya.

‘’Waxaan tacsi u direynaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadii shalay, kuwa dhaawac ahna waxaa u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah’’ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarradda arrimaha dibidda Turkiga.

Ma’uuliyada qaraxyadii shalay ka dhacay waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab oo dagaal ba’an kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee taageerada militari siiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]