4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2019
Taliye Idha-Qarshe : Waxaa bilaabanaya howlgal ka dhan ah Al-shabaab

 

Axad, Maarso, 24, 2019 (HOL)- Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Daahir Aadan Cilmi Idhaqarshe oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan amniga looga hadlayay oo ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in kulanka oo ahaa mid uu ra’iisal wasaaruhu isugu yeeray Safiirrada caalamka jooga Soomaaliyo AMISOM ayuu sheegay in looga wada hadlay sidii loo dadajin lahaa qorshaha howlgalka ka dhanka Al-shabaab ee la doonayo in looga saaro guud ahaanba gobollada dalka Soomaaliya.

‘’Safiirradda caalamka ee kulanka ka qeybgalay waxey balanqaadeen in ay dowladda ka caawinayaan sugida Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, sida ugu dhaqsiyaha bandanna loo bilaabayo howlgal ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo AMISOM oo ka dhan ah Al-shabaab’’ ayuu yiri taliyaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku cel celisay in la bilaabi doono dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, hayeeshee taasi aysan fulin,waxaana faraha ka baxay guud ahaan Amniga dalka gaar ahaan Muqdisho oo falal qaraxyo iyo dilal ay ka dhacayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]