4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2019
Wasiir Maareeye : Ciidamo meel isaga soo baxay looma joojinayo howlaha Qaranka

 

Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Wasiir Wasaarradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in uusan jirin askari diiwaangashan oo mishaar aan qaadan, hasse ahaatee ay horay u jireen shaqaale dowladdeed iyo askar labo labo mishaar iska qaata.

Wuxuu sheegay Wasiirka in ay dowladdu waday sida uu hadalka u dhigay tirakoob lagu sameynayo ciidamada ayna jiraan dad laba mushaar qaata kuwaasi oo uu sheegay in ay kashaqeyaan hoteelada iyo Hay’addaha kale ee dowladda.

‘’Waxaa socda baaritaanno lagu hayo kuwa buunbuuninaya arrimaha ciidamada oo warbaahinta qaarkood qeyb ka yihiin, howlaha Qaranka looma joojinayo ciidamo meel isaga soo baxay’’ ayuu yiri Wasiirka.

Hadalka Wasiir Maareeye mid la mid waxaa sheegay Wasiirka Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo yiri’’ Askariga runta ah waa kan faraha laga hayo ee is diiwaangaliyay, haddii aan askari dhab ah tahay kaalooyoo noo imoow oo isa soo diiwaangali.

Wasiir Beyle ayaa intaa raaciyay in uu garan –karo sida uu hadalka u dhigay qof horay u qaadan jiray saddex lacagood oo labo ka mid ah laga joojiyay xanuunka uu dareemayo, laakiin marnaba dowladda raali ka noqon doonin in qofka shaqaalaha dowladdaha uu qaato wax xaqiisa ka badan.

Dhinaca kale ciidamada isaga baxay deegaannada qaar gobollada dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in iyaga oo dowladda u diiwaan gashan haddana aysan qaadan muddo afar bilood ah wax mishaar ah. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]