4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2019
Weftigii Eritrea oo dhamaystay safarkooddii shaqo oo maanta dib ugu laabtay dalkoodii


Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Weftigii uu hogaaminayey wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cismaan Salaax Maxamed ee sadexdii maalmood ku sugnaa magaaladda Hargeysa ayaa maanta dib ugu laabtay dalkoodii.

Weftigan waxa madaarka ku sii galbiyey wasiirka arrimaha dibada Somaliland Yaasiin Maxamuud Farotoon iyo xubno wasiiro ah, waxaanay mudaddii ay wadanka ku sugnaayeen kulamo la yeesheen xarumaha hay’adaha dawladda Somaliland, waxaanay xalay booqdeen suuqyada kala duwan ee caasimadda Hargeysa oo qaarkood ka dukaamaysteen.

Sidoo kale, waxa ay la kulmeen golaha Guurtidda iyo golaha Wakiilada, kuwaas oo uga warbixiyey xaaladda guud ee Somaliland iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay.

Waa markii ugu horeysay ee wefti heersare ahi uu muddo intaas leeg ku sugnaado Somaliland, isla markaana uu booqdo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.