3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2019
Walaaca dowladda ee ciidamada ka soo baxaya Agagga dagaalka

 

Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay in ay si is daba joog ah uga soo baxaan deegaannadii ay kaga sugnaayeen qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya iyo Agaggii dagaalka ay isku hor fadhiyeen Al-shabaab, iyaga oo ka cabanaya mishaar la’aan baahsan oo la soo daristay.

Tallaabadii ugu danbeysay ciidamadu waxaa ay ku soo faarujiyeen deegaanno iyo degmooyin dhowr ah oo ka tirsan labada Shabeelle, qeybo ka mid ah deegaannada ay ka soo baxeen ciidamada waxaa la wareegay markiiba xoogagga Al-shabaab.

Arintan ayaa markiiba saameyn ku yeelatay madaxda ugu sareysa dalka oo bilaabay in ay wafdi Wasiirro iyo saraakiil isugu jira u diraan ciidamadan si wada xaajood loola furo looguna qanciyo in ay dib ugu laabtaan deegaannadii ay ka soo baxeen.

Degmada Balcad waxaa gaaray wafdi isugu jira Wasiirro iyo saraakiil ciidan oo la filayo in ay halkaa kula hadlaan ciidamadii isaga soo baxay aagagii ay uga sugnaayeen gobolka Shabeellaha dhexe.

 

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Daahir Aadan Cilmi Idhaqarshe oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in la kordhiyo miisaaniyada ku baxda ciidamada xoogga dalka, si taasi loo hirgeliyana loo baahan yahay in la ogaado tirada saxda ah ee ciidamada.

Waxa uu tilmaamay in askari xanuunsan ama tababar iyo fasax ku maqan maahee askarta kale looga baahan yahay in ay xaadir ku ahaadaan goobta dawladda ay ku ogtahay, isaggoo xusay in khalad ay tahay in fasax la’aan laga maqnaado tiro koobka ciidanka lagu wado.

Ciidamada gadoodka ka sameeyay gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in ay ka mid yihiin ciidamada u diiwaangashay Wasaarradda Gaashaandhigga islamarkaana aan helin xaquuqdii ay ku lahaayeen dowladda iyaga oo u muuqda in ay ka jawaabayeen hadalka ra’iisal wasaaraha ee ahaa in Askari kasta oo diiwaangashay mishaarkiisa si toos ah loo siiyo.

Xildhibaanno iyagana arintan ka hadlay ayaa sheegay in madaxda Qaranku fashilmeen xaq siinta ciidamada, halka qaarkoodna ay ku baaqeen in ay xilka iska casilo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
3/20/2019 2:54 PM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Wasiir Wasaarradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in uusan jirin askari diiwaangashan oo mishaar aan qaadan, hasse ahaatee ay horay u jireen shaqaale dowladdeed iyo askar labo labo mishaar iska qaata.

3/20/2019 12:50 PM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)-Weftigii uu hogaaminayey wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cismaan Salaax Maxamed ee sadexdii maalmood ku sugnaa magaaladda Hargeysa ayaa maanta dib ugu laabtay dalkoodii.

3/20/2019 8:29 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada xarunta ah ee Garoowe ka dhagax dhiggay xarunta xogta Khayraadka Deegaanka iyo Biyaha (Integrated Land and Water Resource Management) oo ah xarun lagu kaydin doono khayradka dalka sida Deegaanka iyo Biyaha.

3/20/2019 7:58 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Dr: Cismaan Xuseen Warsame iyo agaasimaha maamulka iyo lacagta Telefishanka Qaranka Xasan Maxamuud Muxumed ayaa maanta xabsiga loo taxaabay ka dib markii hanti dhawruhu ku eedeeyey arrimo musqmaasuq.

3/20/2019 6:24 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Warqad kasoo baxday wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland ayaa warqad ay maanta soo saartay ku dhaliishay go'aan kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya kaa oo ku saabsanaa in ardeyda dusgiyada sare ka qalinjabineeysa ay geli doonaan laba Imtixaan.

3/20/2019 6:00 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay in ay isaga baxaan qeybo ka mid ah gobollada dalka dalka Soomaaliya oo ay ku lahaayeen saldhigyo militari, iyaga oo ka cabnaya in ay san helin xuquuqdii ay lahaayeen.

3/20/2019 5:44 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Hay’adda Amnesty International ayaa ka dalbatay Dowladda Maraykanka in ay baaritaan xooggan oo dhexdhexaad ah ku samayso caddeymaha lagu kalsoonaan karo ee muujinaya in duqeymaheeda sii kordhaya ee Soomaaliya ay dileen dad badan oo rayid ah.

3/20/2019 5:22 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Saaka Xukun Dil ku riday Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) 23jir ah iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) oo 25 jir ah, Kuwaas oo ka tirsanaa Argagaxisada Al shabaab sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamadda Qalabka Sida Xasan Cali Shuute.

3/20/2019 12:47 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in mowqifka dowladdu yahay in doorashada Galmudug waqtigeedii ku dhacdo.

3/20/2019 12:20 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ciidamada Amniga ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho lagu soo qabtay sida ay hadalka u dhigtay dowladda madaxdii maxkamadda Al-shabaab ee deegaanka Barriire gobolka Shabeellaha hoose.

3/20/2019 12:10 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Xeraale ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in wali halkaa ay ka jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo maleeshiyaad ku dagaalamay degmada.