3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2019
Ciidamo dowladda Soomaaliya oo ka baxay deegaanno dhowr ah ka tirsan Shabeellaha Dhexe

 

Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay in ay isaga baxaan qeybo ka mid ah gobollada dalka dalka Soomaaliya oo ay ku lahaayeen saldhigyo militari, iyaga oo ka cabnaya in ay san helin xuquuqdii ay lahaayeen.

Ciidamada dowladda ayaa meelaha ay ka baxeen waxaa ka mid ah Garoonka Diyaaradaha Jowhar, degmada Mahadaay Qalimow iyo Garsaale ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Qaarkood oo la hadlay ayaa sheegay in sababta ay sidan u sameynayaan tahay in ay muddo dheer aysa wax mishaar ka ah helin dowladda, sidaa daraadeed go’aasadeeen in ay isaga oo baxaaan saldhigyadii ay ku sugnaayeen.

Ciidamada ayaa si adag u beeniyay hadalkii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ee ahaa in uusan jirin Askari diiwaan-gashan oo aan la siin mishaarkii uu xaq u lahaa, iyaga oo ku doodday in ay ka mid yihiin askarta la diiwaan-gashay islamarkaana helin wax mishaar ah.

Mar wax laga weydiiyay cid qaadeysan mas’uuliyada Amniga dadka shacabka ku dhaqan deegaannada ay isaga soo baxeen waxaa ay ku jawaabeen qaarkood oo la hadlay warbaahinta in mas’uuliyadaa ay qaadayaan madaxda ugu sareysa dalka.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo khudbad uu ka jeedinayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho si adag uga hor yimid in ay jiraan askari ka tirsan ciidamada dowladda oo aan mishaar la siin isaga oo yiri ‘’ Ma qof ka tirsan ciidamada dowladda oo la diiwaangaliyay oo aan mishaarkiisa helin’’

Horay sidan oo kale ciidamada ayaa isaga soo baxay fariisimo ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha hoose waxaa markii la wareegay xoogagga Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/20/2019 2:54 PM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Wasiir Wasaarradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in uusan jirin askari diiwaangashan oo mishaar aan qaadan, hasse ahaatee ay horay u jireen shaqaale dowladdeed iyo askar labo labo mishaar iska qaata.

3/20/2019 12:50 PM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)-Weftigii uu hogaaminayey wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cismaan Salaax Maxamed ee sadexdii maalmood ku sugnaa magaaladda Hargeysa ayaa maanta dib ugu laabtay dalkoodii.

3/20/2019 12:03 PM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay in ay si is daba joog ah uga soo baxaan deegaannadii ay kaga sugnaayeen qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya iyo Agaggii dagaalka ay isku hor fadhiyeen Al-shabaab, iyaga oo ka cabanaya mishaar la’aan baahsan oo la soo daristay.

3/20/2019 8:29 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada xarunta ah ee Garoowe ka dhagax dhiggay xarunta xogta Khayraadka Deegaanka iyo Biyaha (Integrated Land and Water Resource Management) oo ah xarun lagu kaydin doono khayradka dalka sida Deegaanka iyo Biyaha.

3/20/2019 7:58 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Dr: Cismaan Xuseen Warsame iyo agaasimaha maamulka iyo lacagta Telefishanka Qaranka Xasan Maxamuud Muxumed ayaa maanta xabsiga loo taxaabay ka dib markii hanti dhawruhu ku eedeeyey arrimo musqmaasuq.

3/20/2019 6:24 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Warqad kasoo baxday wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland ayaa warqad ay maanta soo saartay ku dhaliishay go'aan kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya kaa oo ku saabsanaa in ardeyda dusgiyada sare ka qalinjabineeysa ay geli doonaan laba Imtixaan.

3/20/2019 5:44 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Hay’adda Amnesty International ayaa ka dalbatay Dowladda Maraykanka in ay baaritaan xooggan oo dhexdhexaad ah ku samayso caddeymaha lagu kalsoonaan karo ee muujinaya in duqeymaheeda sii kordhaya ee Soomaaliya ay dileen dad badan oo rayid ah.

3/20/2019 5:22 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Saaka Xukun Dil ku riday Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) 23jir ah iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) oo 25 jir ah, Kuwaas oo ka tirsanaa Argagaxisada Al shabaab sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamadda Qalabka Sida Xasan Cali Shuute.

3/20/2019 12:47 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in mowqifka dowladdu yahay in doorashada Galmudug waqtigeedii ku dhacdo.

3/20/2019 12:20 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ciidamada Amniga ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho lagu soo qabtay sida ay hadalka u dhigtay dowladda madaxdii maxkamadda Al-shabaab ee deegaanka Barriire gobolka Shabeellaha hoose.

3/20/2019 12:10 AM EST
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Xeraale ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in wali halkaa ay ka jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo maleeshiyaad ku dagaalamay degmada.