4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2019
Dowladda Soomaaliya : Waqtigeeda ayeey ku dhaceysaa doorashada Galmudug

 

Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in mowqifka dowladdu yahay in doorashada Galmudug waqtigeedii ku dhacdo.

Wasiirka ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa laga soo maray dhismaha maamulka Galmudug iyo khilaafka xiligan u dhaxeeya, waxaana uu meesha ka saaray hadalkii dhawaan ka soo yeeray hoggaanka sare ee maamulka ee ahaa in doorashada la qabanayo saddex sano kadib.

‘’Annagu waxaa rabnaa in doorashada waqtigeedii ku dhacdo oo ah bisha July ee sanadkan aynu ku jirno, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa dhawaan sheegay in in doorasahada Galmudug dhaceyso ma la gaaro sanadkan 2021.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah doorashada waqtigeeda lagu qabto ayaa waxaa taageersan mas’uuliyiinta maamulka Galmudug garabka Cadaado oo dhawaan siweyn uga soo horjeestay go’aanka madaxweynaha iyo madaxa xukuumadda ay kaga dhawaaqeen Dhuusa-Mareeb.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]