4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2019
Ciidamada dowladda oo qabtay madaxdii maxkamadda Al-shabaab ee Barriire

 

Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ciidamada Amniga ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho lagu soo qabtay sida ay hadalka u dhigtay dowladda madaxdii maxkamadda Al-shabaab ee deegaanka Barriire gobolka Shabeellaha hoose.

Dowladda ma aysan sheegin magaca sarkaalkan la qabtay, hasse ahaatee dowladda ayaa sheegtay in uu ahaa howlgal qorsheysan oo lagu baahsanayo saraakiisha Al-shabaab.

Marar badan oo hore dowladda ayaa sidan oo kale sheegtay in ay qabtay saraakiil kala duwan oo ka tirsan Al-shabaab.

Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin sheegashada dowladda ee ah la qabtay sarkaalkii u qabilsanaa garsoorka deegaanka Barriire.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]