4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2019
Xiisad colaadeed oo wali ka jirta degmada Xeraale ee gobolka Galguduud

 

Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Xeraale ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in wali halkaa ay ka jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo maleeshiyaad ku dagaalamay degmada.

Dadka rayid ayaa bilaabay in ay gurya-hooda ka barakacaan, iyaga oo cabsi qaba in mar kale dhinacyada is hor fadhiya ku dul dagaalamaan mana jiraan dadaalo lagu joojinayo colaada labada dhinac.

Dagaalo soo noq noqday oo degmada ku dhaxmaray maleeshiyaadka iska horjeeda waxaa ku dhintay dad ka badan 20 ruux halka tiro kale oo intaa ka sii badanna ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaallada ka socda degmooyinka Xeraale iyo Cadale oo ka kala tirsan gobollada Galguduud iyo Shabeellaha dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]