4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2019
Wasiir Maareeye oo ka hadlay madaafiic ku soo dhacday maanta xarunta Wasaarradda Ganacsiga

 

Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay madaafiic loo adeegsaday qoriga hoobiyaha oo maanta ku soo dhacay qeybo ka mid ah xarunta Wasaarradda.

Wasiirka ayaa sheegay inuu jiro khasaare burbur oo soo gaaray mid ka mid ah xafiisyada Wasaaradda oo ku dhacay madfac hoobiye, isagoo xusay in aanu jirin khasaare nafeed.

“Madaafiicdan dib uma celin karaan rajada aynu ka qabno in aynu helno Nabad iyo Nolol fiican, waxay doonayaan in ay rajo beel inaga dhigaan oo hakiyaan horumarka, Ganacsiga, Maalgashiga iyo yididiilada jirta, ka yeeli mayno waana la ciqaabi doonaa argagixisada insha allah”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

 

Ilaa shan madfac oo maanta lagu weerarray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa qaar ka mid ah waxaa ay ku dhaceen xarunta Wasaarradda Ganacsiga iyo qeybo kale oo ka mid ah isla madaxtooyada Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka madaafiicda ee ku qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, waana weerarkii labaad oo Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho labo maalin, kaddib weeraro ku bilowday qaraxyo oo habeenkii khamiistii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]