3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2019
Wasiir Maareeye oo ka hadlay madaafiic ku soo dhacday maanta xarunta Wasaarradda Ganacsiga

 

Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay madaafiic loo adeegsaday qoriga hoobiyaha oo maanta ku soo dhacay qeybo ka mid ah xarunta Wasaarradda.

Wasiirka ayaa sheegay inuu jiro khasaare burbur oo soo gaaray mid ka mid ah xafiisyada Wasaaradda oo ku dhacay madfac hoobiye, isagoo xusay in aanu jirin khasaare nafeed.

“Madaafiicdan dib uma celin karaan rajada aynu ka qabno in aynu helno Nabad iyo Nolol fiican, waxay doonayaan in ay rajo beel inaga dhigaan oo hakiyaan horumarka, Ganacsiga, Maalgashiga iyo yididiilada jirta, ka yeeli mayno waana la ciqaabi doonaa argagixisada insha allah”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

 

Ilaa shan madfac oo maanta lagu weerarray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa qaar ka mid ah waxaa ay ku dhaceen xarunta Wasaarradda Ganacsiga iyo qeybo kale oo ka mid ah isla madaxtooyada Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka madaafiicda ee ku qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, waana weerarkii labaad oo Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho labo maalin, kaddib weeraro ku bilowday qaraxyo oo habeenkii khamiistii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/2/2019 10:04 AM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)-Amar lagu mamnuucayo calaamadinta iyo dhismaha dhulka ayaa siwadajir ah ay u soo saareen maamulka dawlada Hoose iyo ciidanka booliska gobolka Sool.

3/2/2019 8:22 AM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)-Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in biyo la'aan ba'an ay ka jirto magaalada, taas oo keentay in dadku ay jeerigaamo aroortii kula arooraan meelahay u maleeyaan inay biyo ka helayaan.

3/2/2019 6:24 AM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)-Ilaa shan madfac oo loo adeegsaday qoriga hoobiyaha ayaa qaar ka mid ah la sheegay in ay ku dhaceen gudaha xarunta madaxtooyada oo ay degan yihiin madaxda ugu sareysa dalka.

3/2/2019 4:51 AM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku ridey shan eedeysane oo loo heystay kufsi wadareed ka dhacay magaalada Gaalkacyo 22 bishii Feberaayo.

3/2/2019 3:29 AM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir ay halkaa ku yeelan doonaan madaxweynayaasha dowladdaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Kenya Uhuru Kenyatta.

3/2/2019 1:09 AM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- War ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa si adag loogu cambaareeyay weerarradii qaraxyada ku bilaawday ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

3/2/2019 1:00 AM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- War qoraal ah oo lagu baahiyay bogga Twitter –ka ee taliska Mareykanka Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen maalin ka hor deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan lagu dilay 26 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

3/2/2019 12:32 AM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- Inkastoo la soo afjaray howlgalkii ciidamada dowladda ay ka wadeen dhismayaasha ku hareereysa hotelka Maka Al-Mukarama, haddana dhinaca kale waxaa soconaya baaritaanka bal haddii ay jiraan meydadka dad wali ku hoos jira dhismayaasha isku dul bur buray.