4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2019
Dawlada hoose ee degmada Laascaanood oo amar ka soo saartay dhulka

 

Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)-Amar lagu mamnuucayo calaamadinta iyo dhismaha dhulka ayaa siwadajir ah ay u soo saareen maamulka dawlada Hoose iyo ciidanka booliska gobolka Sool.

War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ayay ku sheegeen in cidii talaabo dhul aanay fasax u haysan qaada ay la kulmi doonaan ciqaab la kulmi doonaan.
 
"Cidii madaraq ku dhufata dhul aanay fasax u haysan talaabo ayaan ka qaadaynaa, waxaana ay mutaysanayaan ganaax iyo xadhigba, cidii dacwad qabtaana waa in ay dawlada hoose la xidhiidhaan iyagoon talaabo qaadin" sidaana waxaa yidhi gudoomiyaha degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Xasan.
 
Sidoo kale taliyaha qaybata booliska gobolka Sool ayaa isna dhankiisa sheegay in ay badatay dhibaatada isqabsiga dhulka sidaa darteedna aanu talaabo ka qaadno dadka ku mamay buu yidhi dhulka waana ta keentay in aan go'aan ka qaadano.
 
Dhinaca kale waxaa taliyahu beeniyey inaysan waxba ka jirin warar sheegaya in caruur lagu xaday magaalada Laascaanood, waxaanu sheegay in waayeen wax caruur ah la waayey.
 
Si kastaba ha ahaatee go' aankan ayaa ah mid aad loogu baahnaa iyadoo shilal badan ay bilihii la soo dhaafay ka dheceen kuwaas oo lahaa dhimasho iyo dhaawacba.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool