4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2019
Biyo la'aan baahsan oo ka jirta magaalada Jigjiga

 

Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)-Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in biyo la'aan ba'an ay ka jirto magaalada, taas oo keentay in dadku ay jeerigaamo aroortii kula arooraan meelahay u maleeyaan inay biyo ka helayaan.

Biyo la'aantan ayaa muddo dheer magaalada ka jirtay, inkastoo waayadii hore xaafadaha qaarkood biyo ay jireen oo qasabaduhu socdeen, haddana markii dambe biyo la'aantu magaalada oo dhan ayay saamaysay.

Magaalada ayaa waxaa u dhaamiya xaafadaha biyoolayaal dadka kaga iibiya biyaha lacago qaali ku ah dadka, tusaale ahaan foostadii waxaa lagu iibiyaa 120 birr, halka jeerigaankii lagu iibinayo 20 bir.

Xafiisyada ay arrintani khusayso ayaa dhankooda sheegay inay sida ugu dhakhsiyaha badan ay arrintan wax uga qabanayaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]