4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2019
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo wada hadal ka yeelanaya muranka xudduuda Badda

 

Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir ay halkaa ku yeelan doonaan madaxweynayaasha dowladdaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Kenya Uhuru Kenyatta.

Kulanka oo furmi doona 12ka bishan Maarso ilaa 13ka ayaa lagu wadaa in labada madaxweyne ka wada hadlaan muranka soo kala dhax-galay ee salka ku haya xudduuda Badda ee labada dowladdood, kaddib markii Kenya ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya in shirkii Lodon bishii hore ka dhacay ku iibgeysay shidaalka ku jira dhul baddeedka lagu muransan yahay.

Marka laga soo tago dowladda Uganda oo shirkan martigalin doonta sidoo kale waxaa gadaal ka riixaya madaxweynaha dhowr ah oo qaarradda ka tirsan gaar ahaan madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al-Sisi oo dhinaca kalana ah guddoomiyaha guddoomiyaha xiligan ee midowga Africa.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Monica Jumma ayaa sheegtay in dowladda Kenya ku qancin jawaabta ay dowladda Soomaaliya ka bixisay cabashada Kenya ee shirkii London, waxaana ay intaa ku dartay in ay ka fikireyso dowladda Kenya ugu danbeyntii cunaqabateyn ay ku soo rogto Soomaaliya.

Laakiin hadda waxaa muuqata in muranka labada dowladdood uu soo jiitay idhaha madaxda qaarradda Africa oo hadda ku howlan sidii loo wada hadashiin lahaa madaxda ugu sareysa labada dowladdood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa aqbalay in uu ka qeybgalo kulanka la filayo in uu ka furmo magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku  tilmaamtay sheegashada Kenya ee ah in ah xaraashtay shidaalka dhul Baddeedka lagu mursan yahay, waxaana ay sheegtay dowladda Soomaaliya in dhulka labada dal ay ku muransan yihiin  ay dacwadeeda taallo Maxkamadda Hague, ayna ka war sugeyso go’aanka  Maxkamadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]